Duqeymo cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

AlShabaab drone

Wararka laga helayo goboolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo laga sameeyay magaalada Jilib lagu dilay xubno ka tirsan xoogagga Al-Shabaab.

Saraakiisha fulisay hawlgalka waxey sheegeen in hawlgalkaan uu si gaar ah ugu qotomay madaxa amniga Al-Shabaab ee magaalada Jilib, sidey wararka sheegayaan duqeynta ayaa lagu dilay.

Inkastoo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin duqeynta dhacday hadana wararka la helayo waxey sheegayaan in kulan u dhaxeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu soo beegay duqeynta.

Ma ahan markii ugu horreysay oo duqeymo cirka ah laga sameeyo jubbooyinka, dhawr jeer oo hore ayaa jilib looga sameeyay hawlgal nuucaan ah.

Ciiidamada mareykanka ee hoos taga taliska Afrika oo taageero ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaana mar walba iska kaashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here