Duqeymo lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib iyo Bu’aale

AlShabaab drone

Diyaaradaha dagaal ayaa xalay duqeymo culus la eegtay saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin Jilib iyo Bu’aale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin Saraakiil sar sare oo Shabaab ah.

Duqeynta hore waxa ay ka dhacday xarun tababar oo ku taala inta u dhexeysa Jilib iyo Hargeysa yarey, iyadoo Saraakiisha Milatariga Soomaaliya laga soo xigtay in weerarkaas dhinaca cirka ahaa khasaare lagu gaarsiiyay Shabaab.

Weerarka kale ayaa ka dhacay magaalada Bu’aale waxaa lala eegtay hoyga sarkaal sare oo ka tirsan macalimiinta bixiya tababarada Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Macalin Yoonis Karaama oo loo yaqaano Abuu Cuteyba.

Wali lama ogaan khasaaraha gaaray ka dhashay duqeynta lala eegtay guriga Sarkaalkaas, waxaana la sheegay in markii duqeynta la maqlay ay guriga isku hareereeyeen dagaalamayaal Al-Shabaab ah

Ma jirto wali wax war ah oo duqeyntan ay ka soo saareen Mareykanka oo looga bartay weerarada noocan oo kale ah, sidoo kale waxaan jirin war ay Shabaab ka soo saartay weerarka oo aan inta badan looga baran inay ka hadlaan duqeymaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here