Duqeymo xoogan oo Al-Shabaab loogu beegsaday degaamo kala duwan

AlShabaab drone

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka Shabeellada Hoose iyo Bay, kaasi oo lagu beegsaday dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa ka kala dhacay deegaannada iyo degmooyinka kala ah, Jilib, Salagle, Buula Fulay, Hargeysa Yarey iyo kuwo kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Salagle la beegsaday xarun ka socotay munaasabad oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in halkaasi uu khasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Degmada Jilib ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta kale ay ka dhacday, waxaana lala beegsaday xubno Al-shabaab ah oo ku wajahnaa dhanka Jubbada Dhexe, waxaana ay isugu jireen saraakiil Ajaaniib ah oo ka dhinac dagaallama Al-shabaab, kuwo Soomaali ah iyo ciidankii ilaalinayey, welina faah faahin lagama helin dhanka khasaaraha.

Duqeymaha kale ee ka kala dhacay Buula Fulay, Hargeysa Yareey iyo deegaannada kale ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Weli dhanka Al-shabaab lagama hayo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Tan iyo Weerarkii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ayaa waxaa kordhay duqeymaha lala beegsanayo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here