Duqeyn ka dhacday gudaha dalka Syria oo lagu diley 29 askari oo Turkish ah

ciidamada turkiga

Ugu yaraan 29 askari oo Turkish ah ayaa lagu diley tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha dagaalka ee dowlada Syria ay duqeeyeen gobolka Waqooyi Bari Syria ee Idlib.

Tirada dhimashada ee soo gaartay ciidamada Turkiyiinta ayaa ah tii ugu badneyd ee hal maalin ay soo gaarto tan iyo markii kumanaan askar Turkish ah la geeyay gobolka Idlib dhowr toddobaad kahor.

Idlib ayaa ah gobolka kaliya ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka dowlada Syria, waxaana gobolkaas ka barakacay dad kabadan hal malyan oo ruux.

Guddoomiyaha gobolka Koofurbari ee dalka Turkiga ee Hatay Rahmi Dogan ayaa sheegay in 22 askari ay ku dhinteen tirokalana ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday Idlib.

Hase yeeshee, hay’ado madaxbanaan oo ka howlgala gudaha dalka Syira ayaa sheegay in tirada ciidamada Turkiyiinta ah ee duqeynta ku dhintey ay gaarayaan 34.

Weerarka kadib ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa uu qabtay shir deg deg ah oo muddo labo saacadood ah socday isagoo la kulmay wasiiro iyo saraakiil Milatari.

Lama oga illaa iyo hadda jawaabta uu ka bixin doono Madaxweynaha Turkiga falkan, hase yeeshee waxa uu hore ugu hanjabay in uu cashar u dhigi doono ciidamada Syria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here