Ehelka Cali Khaliif Galeyr: Ma aaminsanin in uu u dhintay Covid-19

Cali Khaliif3

Qaar ka mid ah ehelka Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay.

Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxay sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona.

Hasayeeshee ehelkiisa waxa ay ku doodayaan in ay mudan tahay in baaritaan kale la sameeyo.

“Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.

Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.

“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.”

“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay Cali Khaliif Galeyr lagu aasi doono magaalada Muqdisho.

Marxuumka, Cali Khaliif wuxuu ahaa 78 sano jir.

Waayihii Cali Khaliif Galaydh

Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sanadkii 1941-kii, halkaasoo uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ah.

Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu degmada Sheekh ku dhammeystay sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah – oo uu qeybo ka mid ah kusoo qaatay jaamacado dibadda ku yaalla – wuxuu ka gaadhay ilaa darajada PhD, wuxuuna bare ka noqday Soomaaliya.

Heerkiisii Jaamacadeed

1963-kii, Galaydh wuxuu helay deeq waxbarasho oo ay siisay jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka. Wuxuu Shahaadada heerka koowaad ee maaddada Seyniska Siyaasadda uga qalin jabiyay sanadkii 1965-kii.

Cali Khaliif wuxuu kaalin muuqata kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya
Qoraalka sawirka,Cali Khaliif wuxuu kaalin muuqata kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya

1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York, Mareykanka.

Shahaadadaas wuxuu diiradda ku saaray cilmiga maamulka dadweynaha, wuxuuna kasoo baxay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inuu barfasoor ku noqdo.

Buuggii uu darajadiisa aqooneed ku difaacanayay wuxuu qoray 1971-kii iyo 1972-kii.

Intii u dhaxeysay 1982-kii ilaa 1987-kii wuxuu waxbarasho ka qaadanayay macadka Weatherhead ee lagu barto aqoonta Arrimaha dibadda iyo Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka.

Doorkiisii dhinaca maamulka iyo siyaasadda

Barfasoor Galaydh xarumaha uu kasoo howl galay waxaa ka mid ah macadkii Somali Institute of Public Adminstration (SIPA). Macdkan oo uu markii hore ka ahaa cilmi baadhe ayuu ugu dambeyn 1973-kii ka qabtay xilka agaasimaha guud.

Intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1976-kii wuxuu agaasime ka ahaa mashruucii Sokorta ee Jowhar (SNAI).

1976-kii ilaa 1982-kii wuxuu maamulayay mashruucii sokorta ee Juba (JSP).

Xilalkii Siyaasadeed

Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay.

Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda.

1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo.

In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here