Emailo sir ah oo kashifay qorshe ka dhan ah Turkiga oo Imaaraadku ay ka wadaan Mareykanka

capitol hill

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan cadaadis xooggan oo ay sharci dejiyayaasha congress-ka Mareykanka ku saareyso in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo dalka Turkiga, sida ku cad qoraallo Email oo la helay

Wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa heshay qoraalo dhanka Email-ka ah oo muujinaya sida dowladda Imaaraadku ugu howlan tahay in Mareykanka uu xayiraado saaro Turkiga.

Emailadaasi ayaa waxa ka dhex muuqday magaca shirkada ‘Akin Gump’ oo ah shirkad ka shaqeysa dhanka ololeyna siyaasadda, oo fadhigeeduna yahay Washington, DC, taasi oo ay qoraal ugu dirtay Senator-ada Conngaress-ka kadib markii Aqalka Wakiiladu uu qaatay qaraar ka dhan ah dowladda Turkiga.

Shirkadan oo wakiil toos ah ka aheyd Safaarada dowladda Imaaraadka ee Washington ayaa waxay Email u kala dirtay 7-November qaar kamid ah Senator-ada Congaresska, kuwaasi oo qeyb ka ah cadaadis xoogan oo la rabo in Mareykanku uu cunaqabteyn ku soo rogo Turkiga, sababo la xidhiidha howlgaladii Milateri ee uu ka fuliyay Suuriya.

Emailadaasi ayaa sidoo kale waxa laga dheehan karayey cambaareynta tooska ah ee Dowladda Imaaraadku ugu jeedinayso Turkiga geedi socodka nabada ee waqooyiga Suuriya, iyo weliba in uu Imaaraadku taageerayo cunaqabateynta ka dhan ah Turkiga, kaasi oo ah go’aan qabyo ah oo ay meel-marinayaan golaha wakiilada Mareykanku.

“Andrew iyo Matt – Waxaan idinla soo xiriirayaa aniga oo wakiil ka ah safaaradda Imaaraadka ee Washington si aan u muujino cambaareynta Imaaraadka ee gardarrada Turkiga ee Syria, una taageerno cunaqabateyn ka dhan ah,” waxaa sidaas email-ka ku diray Charles Johnson oo ka tirsan shirkadda Akin Gump.

Waxa sidoo kale qoraalka Emailadaasi loo kala diray Senator-ada Congaress-ka lagu xusay in dowladad Qatar ay ka caawiso dowladda Ankara ee Turkiga howlgalkii ‘Guga nabada’ ee Suuriya.

“Waxaan rajeynaynaa in macluumadkani idinka caawin doono maadama uu Mareykanku sii wado la socodka arrimaha Suuriya, maadaama xubnaha golaha senate-ka ay ka fakarayaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalada Email-kaasi.

Lamana shaacin ilaa hadda magacyada Senatorada loo kala direy Emailkaasi ay dowladda Imaaraadku ku rabto in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo Turkiga oo muddooyinkii dambe saaxiib dhow la noqday dowladda Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here