Erdogan oo si kulul u beeniyey eeday ka soo yeertay Emmanuel Macron

madaxweyne erdogan

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii beeniyey wararka sheegaya in Turkey ay dagaal-yahanno Syrian ah u dirtay Azerbaijan, si ay uga taageeraan dagaalka ay kula jirto gooni u goosatada ay taageerto Armenia ee gooblka Nagorno-Karabakh.

“Kuwa nagu sheegaya inaan Mujaahidiin ka yimid Syria u dirnay halkaas, annagu ma lihin ajande noocaas ah,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka.

Bishan horraanteedii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Ankara ku eedeeyey inay jihaadiyiin Syrian ah gaysay gobolka, isaga oo sheegay in Turkey ay ka gudubtay “diilin cas”.

Erodgan ayaa Arbacadii yiri “Waxay leeyihiin Mujaahidiin ka yimid Syria ayaad u dirteen Azerbaijan. Mujaahdiinta waa inay dalkooda ka shaqeeyaan, halkaas ma aadi lahayn.”

Armenia iyo Azerbaijan oo ah laba dal oo horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa sanado badan waxaa ka dhaxeeya dagaal la xiriira gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan Azerbaijan.

Dagaalkii ugu dambeeyey oo qarxay 27-kii September ayaa weli socda, kadib markii ay fashilantay xabad-joojin la gaaray Sabtidii, oo daqiiqado kooban un dhaqan-gashay.

AFP + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here