Ergada beesha Saleebaan oo gaartay magaalada Dhuusamareeb

ergada beesha saleebaan

Waxaa goor dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaaray ergada beesha Saleebaan ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmaya gudaha magaaladaasi.

Ergadan ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaasi, Cabdiraxmaan Baadiyow, ergadii horay u tegay Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Ugu horreeyn xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyey waxgaradka Cadaado, sida ay u aqbaleen ka qeyb galka shirka iyo casuumada loo fidiyey.

Horay beesha degta Cadaado ayaa uga biyo diiday shirkan iyo dadaallada uu uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre  ka wado deegaanada maamulka Gamuudg, taasoo hadda u muuqata inay meesha ka baxday.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu furmo shirweynaha dib u heshiisiinta waxaana amniga sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay xarumaha muhiimka ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here