Ergayga Qaramada Midoobay James Swan oo tegay magaalada Kismaayo

james swan

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo uga hortegay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale ammaanka ayaa si aada loo adkeeyey, iyada ciidamo dheeraad ah la dhigay xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo.

Ujeedka safarka wakiilka Qaramada Midoobay ayaa la xiriiro wada-hadallo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Amb. James Swan ayaa sidoo kale madaxda Jubbaland kala hadli doono taageerada ay hay’adaha Qaramada Midoobay siiyaan maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan madaxtooyada Kismaayo uu ka socda kulan gaar ah oo ay leeyhiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo James Swan.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo horey u tegay xarumaha kale ee maamul goboleedyada ayaa waday dadaallo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here