ETHIOPIA OO XIRTAY XUBNO LOOGA SHAKISAN YAHAY SHABAAB IYO DAACISH

police ethiopia

Dowladda Ethiopia ayaa xirtey dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso.

Waaxda sirdoonka Ethiopia ee magaceeda loosoo gaabiyo NISS, ayaa shaacisay in xubnaha la qabtay ay qorshanayeen weeraro lagu qaado goobaha la isugu yimaado ee lagu dhigo ciidaha diiniga ah iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin..

NISS ma sheegin tirada dadka la qabtay, laakiin waxay tilmaamtay in lagu xiray magaalada Addis Ababa, degaanka Oromada iyo degaanka Soomaalida.

NISS waxay sheegtay in ay Jibuuti kala shaqeynayso sidii loo xiri lahaa hogaamiyaha kooxdaan oo la tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay Jibuuti.

Kooxda isku magacowday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa muuqaal ay horey u baahisay ku sheegeen inay qorshaynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya.

Dadka falanqeeya siyaasada geeska afrika ayaa arrintan ku sheegay inay kooxdani rabto inay ka faaidaystaan khilaafyada dhexyaala qoomiyadaha Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here