Ethiopian Airlines oo gargaar caafimaad Muqdisho keentay

ethiopian airline

Waxaa goor dhow garoonka Aadan Cadde soo caga-dhigatay diyaaradda Itoobiyaan Airline, taas oo sidda gaar caafimaad oo deg deg ah.

Diyaaradda oo haatan taagan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sidda agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo uu Soomaaliya ugu deeqay maal-qabeen u dhashay wadanka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa garoonka ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka oo la wareegi doono qalabkaasi caafimaad.

Shalay ayey aheyd markii Imaaraadka Carabta uu qalab caafimaad ku wareejiyey dowladda federaalka oo dagaal kula jirta cudurka COVID-19.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 60 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here