Faah-faahin: Almaas Elman oo lagu dhex dilay xarunta Xalane

almaas elman

Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman ayaa ku geeriyootay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Almaas ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad. Inkasta oo aysan weli ka caddeyn, haddana waxaa wararka intooda badan ay sheegayaan inay ahayd xabad si kama ah ugu dhacday oo aan la aqoon halka ay ka timid.

Si kastaba, Almaas ayaa markii xabadda laga soo saaray, waxay noqotay xabad ka mid ah rasaasta ciidamada Amisom, sida ay dad ku sugan Xalane u sheegeen.

Ma cadda haddii xabadda laga dhex riday xarunta Xalane, iyo inay banaanka ka timid. Si kastaba markii ay xabadda ku dhacday waxay saarneyd gaari dhex socday xarunta Xalane, waxaana xabadda ay kaga timid dhinac dambe.

Weli waa socda baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, oo ay wadaan saraakiisha Amisom.

Almaas ayaa horey u ahayd xoghayahii koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxayna hadda ka  tirsanayd hey’adda Elman.

Almaas ayaa la dhalatay Ilwad Elman oo ka tirsan QM, iyo Iman Elman oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here