Faah Faahin: Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray Gedo

ciidan gedo2

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay tuulooyin hoos-taga Baardheere.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii ciidanka dowladda ay ku baxeen deegaanka Baar Macalin iyo deegaano kale oo Al-Shabaab ka wadeen uruurinta xoolaha zakawaadka loo yaqaano.

Isku duwaha Beeraha Maamulka Jubbaland ee u qaabilsan Baardheere Saciid Abshir Cartan ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay, markii dadka deegaanka ay cabasho u soo gudbiyeen dad xoolo dhaqato ah oo Al-Shababa si xoog leh uga qaateen xoolo.

Waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab uga dileen tobaneeyo, ayna dhanka dowladda kaga geeriyoodeen labo askari.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen weerar ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen, iyaga oo doonaya inay kala waregeaan xoolo ay ku sheegeen inay ahaayeen Zako.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here