Faah faahin duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya

AlShabaab drone

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa faah faahin dheeri ka bixiyey duqeyn shalay diyaaradaha dagaalkooda ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay Africom sheegtay in ay ka dhacday waqooyi galbeed magaalada Kismaayo, islamarkaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Africom ayaa sidoo kale tilmaamtay in duqeyntan oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Mareykanku uu sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ma jiro dhanka kale weli wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here