Faah-faahinta qaraxii is-miidaaminta ee maqaayadda Blue Sky iyo khasaaraha ka dhashay

qarax muqdisho 2272019

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xoogaan oo maqribkii ka dhacay maqaayad ku taalo bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Blue Sky Restaurant.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo maqaayadda beegsaday.

Qaraxa ayaa waxaa ilaa hadda, sida la xaqiijiyey ku dhintay ugu yaraan saddex qof, waxaana ku dhaawacmay toddoba kale, sida uu sheegay afhyeenka, waxaase laga cabsi qabaa in khasaaraha uu intaas ka bato.

Ismaaciil Oronjo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii Qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan meydkiisa la aqoonsan.”

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa xiray meesha uu ka dhacay qaraxa, mana jirto cid weli sheegatay inkastoo qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab

Waa markii 6-aad oo qarax lala eegto Maqaayadda Blue Sky oo ku taalo agagaarka Tiyaatarka Qaranka, oo ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here