FAAHFAAHIN: DAGAAL CULUS CIIDANKA PUNTLAND IYO AL-SHABAAB KU DHEXMARAY NAWAAXIGA DEGAANKA AF-URUR

af urur

Guddoomiyaha degaanka Af-Urur ee gobolka Bari, Maxamed Geeddi Saalax oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo saaka ciidamada difaac Puntland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray nawaaxiga degaankaasi Af-Urur.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in AL-shabaab subaxnimadii hore ee saaka hoobiyaal ku soo tuurtay fariisimaha ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan degaanka Af-Urur, dabadeedna Ciidanku ay  weerar culus kaga jawaabeen, islamarkaana dagaal xooggan labada dhinac ku dhexmaray meel qiyaastii 8km u jirta Af-Urur.

“ Waxaa la isla tegay meel la yiraahdo MARADA-GOBTAA oo ilaa 8km u jirta magaalada, halkaa dagaal xooggan baa ku dhexmaray, hadduu ku dhexmarayna qoladii waa la kiciyay Al-shabaabta ahayd, Xaggaa MARRAJE bay ka dhacday” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa kale oo uu sheegay, in malayshiyaadka Al-shabaab ee dib loo celiyay uu khasaare dhimasho halkaasi ku gaaray, isagoo xusay in ay maydad badan jiidanayeen, si aan loo arag khasaaraha ku dhacay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in maydka laba askari oo ka tirsan ciidanka Puntland la keenay  degaanka Af-Urur, saddex kalena dhaawacyo fudud soo gaareen.

 Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee aagga Af-urur Maxamuud Maxamed Cismaan (Aarsade) ayaa shegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga  dilay ilaa 5 xubnood.

Waxa kale oo uu xaqiijiyay, in ciidanka Puntland ay ka dhinteen laba askari oo keliya, saddex kalena ka dhaawacmeen.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here