Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay degmada Qoryooley

ciidamada danab2

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Qooryooley ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarka oo ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidanka dowladda iyo raggii weerarka qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay qarax ku burburiyeen buundada degmadaasi oo muhiim aheyd isku socodka dadweynaha.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo si adag uga hadlay weerarkan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen.

Najax ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahanno badan ay ku dileen ciidanku, hubna ay ku furteen dagaalkaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidamadeena degmada qoryooley kuwaas oo difaacay shacabka degmada kana hortagay qarax baabuur la rabay in lagu burburiyo buundada degmada,waxaa Shabaab looga dilay dagaalka mileeshiyaad badan waxaana looga furtay hub uu ka mid yahay qoriga BKMka waxaana hada la hayaa 3 meyd oo ay ka carareen Al-Shabaab”. ayuu yiri gudoomiye Najax.

Dhanka kale weerar ku bilowday ismiidaamin ayaa lagu soo warramayaa in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen askar badan, sidoo kalena ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi.

Shalayey ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay la waregeen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooley, inkastoo ay markii dambe dib uga soo baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here