Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Ceelasha Biyaha

Ceelasha biyaha

Qarax xooggan oo dhaliyey khasaare nafeed ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa dadka deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay sheegeen in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, mid kalena uu ku dhaawacmay, kaas oo loo soo qaadey magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay fureen rasaas badan, taas oo aan la sheegin inay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacbaka ah.

Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Amisom, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaartay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in qaraxyada ay dooneyso inay ku joojiso dhismaha waddada.

Qarax 28-kii bishan ka dhacay Ex-Control Afgooye, ayaa waxaa ku dhintay 81 qof oo badankood shacab ah, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here