Faahfaahin ku saabsan dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Duleedka Garoowe

garoowe

Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Afar ruux ku dhintay, shil gaari oo gelinkii dambe ee xalay ka dhacay degaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe.

Dadka shilkaasi ku dhintay oo kala ah; hal nin iyo saddex dumar ah, ayaa maydadkooda la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe, sida ay Warbaahinta Guddaha u xaqiijiyen mas’uuliyiinta Isbitaalka Xarunta Gobolka Nugaal.

Dad ku sugan Garoowe ayaa waxa ay sheegen in dadka ku dhintay Shilkaasi gaari dhamaantood la geeyey meydadkooda Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe si ay eheladooda uga yimaadaan.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale uu dhaawac fudud ka soo gaaray shilkaasi Gaari.

Saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta dhalisay shilkaasi.

Dowr jeer oo hore ayaa Shilal gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen duleedka Garoowe, waxaana burbursan wadadaas oo uu saameyn ku yeeshay roob ka da’ay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here