Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday laba saldhig ay leeyihiin Al-Shabaab

AlShabaab drone

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kunyo Barrow ee Gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in  duqayntan lala beegsaday laba saldhig oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunyo barrow.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse aysan shaacin Magacyadooda.

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helayo duqeymaha ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka shabeelada Hoose.

Mudooyinkii dambe ayaa diyaarado dagaal waxaa ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolada dalka qaar oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Shalay ayay ahayd Markii Saraakiisha Ciidanka Danab ee Maraykanku tababaray ay sheegeen in Sarkaal Al shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ay ku dileen Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Majirto Wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al shabaab oo ku aadan weerarada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay ka fulisay Gobolka shabeellaha Hoose.

Diyaaradaha Soomaaliya duqeynta ka geysto ayaa la rumeysan yahay inay kala leeyihiin wadamada Mareykanka, France iyo Kenya kuwaas oo bartilmaameysado meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab iyo madaxdooda.

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka geysato gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilka madaxweynimo loo doortay Trump oo dhawaan saxiixay go’aan kor loogu sii qaadayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here