Faahfaahinta Qaraxii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland

Gaalkacyo

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxay qarax ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo qaar ka tirsana ilaaladiis.

Qof isa-soo miidaamiyay oo watay mooto bajaaj ayaa isku qarxiyay gaariga uu saarnaa guddoomiyaha waxaana halkaas ku geeriyooday marxuum guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsanaa ilaaladiisa gaar ah.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in gaariga guddoomiyaha qaraxaas lala beegsaday xilli uu marayay nawaaxiga xarunta gobolka oo uu markaasi ka baxay.

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dileen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsan ilaaladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here