Faarax Macalin oo sheegay sir culus oo ciidamada Kenya ay u joogaan Soomaaliya

faarax macalin

Faarax Macalin oo horey u ahaa guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Kenya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo.

Faarax Macalin ayaa ku baaqay in si deg deg ah ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Africa looga saaro gudaha Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey inay ku guuldareystay sugidda Amniga, isagoo xusay in Ardayda iyo Macalimiinta Kenya ay dhibaato xoog leh kala kulmaan weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolo ka tirsan Kenya.

Wuxuu sheegay inaysan suurtagal aheyn in Ciidamada Kenya oo ilaalin la’ amniga dalkooda ay nabad ilaalin u joogaan gudaha Soomaaliya.

Faarax ayaa tilmaamay in Amniga dalka Kenya uu aad u liito marka loo fiiriyo 11 sano ka hor inta aysan ciidamada Kenya galin gudaha Soomaaliya.

Arrinta ugu xasaasisan oo uu sheegay Faarax Macalin ayaa ah in ujeedada ay Ciidamada Kenya u joogaan Soomaaliya ay tahay sidii ay si sharci darro ah uga ganacsan laahayeen Dhuxusha iyo Sokorta sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Kenya ayuu sheegay in markii hore ay sheegtay in ujeedada ay ciidamadeeda u geyneeyso Soomaaliya tahay in laga sugo amniga Kenya balse wuxuu xusay inay hadda arrinta kasii dartay oo amnigii uu faraha baxay.

Hadalka Faarax Macalin ayaa kusoo aadayo xilli ay Shalay Dowladda Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni oo ay Kenya  ka waddo gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.”

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Faarax Macalin soo dhigay bartiisa Twitter-ka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here