Faarax Macallin: “Madax-goboleedyada Soomaaliya waa tuugo, labo ayaan waddaniyiin ahayn”

faarax macalin

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar culus ku qaaday madax goboleedyada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay kuwa “xada hantida” deegaanadooda, wuxuuna si gaar ah usii weeraray kuwa Puntland iyo Jubaland.

Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in madax-goboleedyada, oo uu isaga ugu yeero barasaabyo, ay ku kala duwan yihiin in kuwa Puntland iyo Jubaland ay “hantida ay xadaan” ku maal-gashadaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa kale ay ku maal-gashadaan Soomaaliya.

“Waxaan ogaaday farqi weyn oo u dhaxeeya barasaabyada musuq-maasuqa ah ee Jubaland iyo Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya. Kuwa hore waxay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa dambe ay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Soomaaliya, ayaga oo dabaqyo uga dhisaya magaalooyinka Soomaaliya. Kuwaas waa tuugo waddani ah,” ayuu yiri Faarax Macallin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here