Faarax Macallin oo qeexid yaab leh ka bixiyey heshiiska uu Axmed Madobe la galay Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

faarax macalin

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa qeexid yaab leh ka bixiyey heshiiska ay shalay magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo mucaaradka isbadal doonka Jubaland ee kasoo horjeeday oo ay ku jiraan Seeraar iyo Xidig.

Faarax Macallin ayaa heshiiskaas ku qeexay inuu la macno yahay ajaaniib heshiis ku kala saxiixday dal ay shisheeye ku yihiin, isaga oo sheegay kuwa heshiiska galay aysan dhammaantood kasoo jeedin Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

“Cid ka mid ah afarta saxiixayaal sharciyad uma haysato Jubaland. Dhammaantood waxay ka yimaadeen gobolka Soomaalida Itoobiya. Kaliya dadka u dhashay deegaanka Jubaland ayaa go’aan ka gaari kara mustaqbalka gobolka. Waa ajaaniib heshiis ku kala saxiixanaya dal ay shisheeye ku yihiin, marka ay quseyso madax-banaanida hay’ad,” ayuu yiri Faarax Macallin.

Faarax Macallin, oo ay isku beel yihiin xubnaha heshiiska saxiixday ayaa marar badan dhaliilay maamulka Axmed Madoobe, ayada oo la rumeysan yahay inay aad isugu dhowyihiin dowladda federaalka, gaar ahaan Villa Somalia.

Waxa uu horey ula saftay dowladda federaalka markii ciidamada qaranka iyo kuwa wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ay ku dagaalameen Beled-Xaawo, isagoo Janan ku tilmaamay hoggaamiye kooxeeed ay dowladda Kenya hubeyneyso.

“Kenya waxay hubeeneysaa hoggaamiye kooxeed baxsad ah, kadibna waxay hoggaamiye kooxeedkaas u ogolaaneysaa inuu gudaha dalka Kenya kasoo weeraro Soomaaliya isaga oo ku gabanaya hoobiyeyaasha Kenya. Markii ay Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay is-difaacaanna, oo ay rasaas ugu jawaabaan, Uhuru waxa uu ku cabaadayaa in Soomaaliya ay soo weerartay dhulka Kenya. Allaha na bad-baadiyo,” ayuu yiri Faarax Macallin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here