Faarax Macallin oo si cajiib ah ciidamada Somalia uga difaacay eedeynta Uhuru

faarax macalin

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya Faarax Macallin ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka difaacay eedeynta uga timid madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee ah inay kusoo duuleen Kenya.

Uhuru ayaa qoraal uu soo saaray Arbacadii ku yiri “ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxay xadgudub ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya 2-dii March 2020, halkaasi oo ciidamada ajnabiga ah ayaga oo jebinaya, islmarkaana aan wax ixtiraam ah u hayn xeerarka caalamiga ay dhaq-dhaqaaqyo gardarro ah fuliyeen, ayaga oo dhibaya islamarkaana burburinaya hantiada shacabka Kenya ee ku nool magaalo xuduudeedka Mandhera.”

Hase yeeshee Faarax Macallin ayaa sheegay in Uhuru uu leeyahay sabab kasta oo Mandhera uu weerar uga yimaado ciidamada Soomaaliya, maadaama uu mart-geliyey “hoggaamiye kooxeed baxsad ah” oo halkaas weerar kasoo qaadaya.

“Kenya waxay hubeeneysaa hoggaamiye kooxeed baxsad ah, kadibna waxay hoggaamiye kooxeedkaas u ogolaaneysaa inuu gudaha dalka Kenya kasoo weeraro Soomaaliya isaga oo ku gabanaya hoobiyeyaasha Kenya. Markii ay Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay is-difaacaanna, oo ay rasaas ugu jawaabaan, Uhuru waxa uu ku cabaadayaa in Soomaaliya ay soo weerartay dhulka Kenya. Allaha na bad-baadiyo,” ayuu Faarax Macallin ku yiri qoraal usoo dhigay twitter-ka.

Faarax Macallin ayaa qoraal kale ku sheegay in gobolka uu qalalaase lugaha lasii galayo, loogana baahan yahay Uhuru Kenyatta inuu beddelo xeeladdiisa.

Magaalada Mandhera ayaa waxaa weli ku sugan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan iyo ciidamo uu wato, waxaana maamulka halkaas uu sheegay in Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ay ciidamo kusoo kala ururinayaan Mandhera iyo Beled Xaawo oo ah halka ay kala joogaan, lagana yaabo inuu dagaal kale qarxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here