Fadhiga Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee berrito ayaa qabsoomaya, sida ay ii xaqiijiyeen xubno katirsan dawladda Soomaaliya, mana jirto wax dibu dhac ah.
“Ma jirto wax baajin kulan ah oo u yimi Ergada Soomaaliya, waxaana haynaa dhammaan Jadwalka, saacadaha shaqada iyo goobaha la astaayey”Ayuu yiri masuul sare oo katirsan Ergada dalka Soomaaliya.
Kenya, waxay u sheegtay BBC-da in ay 30 daqiiqo hadli doonto berrito, oo ay cadeyn doonto sababta ka bixitaanka dacwadda, walibana si rasmi ah uga hareen dacwadda Badda.