Fahad Yaasiin oo si lama filaan ah ku yimid Muqdisho

fahad yaasiin

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad qaas ah ay saaka xiligii hore garoonka diyaaraddaha Muqdisho kasoo dejisay Agaasimihii hore ee NISA oo ra’iisul wasaare Rooble xilka ka qaaday.

Diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Turkiga lana socdeen xubno uu hoggaaminayay Fahad Yaasin ayaa soo caga dhigatay garoonka Muqdisho waaberigii saakay, halkaasi oo ay ku sugayeen ciidamo gaar ah oo usoo galbiyay dhinaca madaxtooyada.

Fahad Yaasiin ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaraddaha Jabuuti 17-ka bishan xili uu kusoo jeeday Muqdisho, iyadoo diyaaraddii uu saarnaa ee Turkish Airline ay diiday inay u socdaasho Muqdisho, dibna ugu laabatay magaalada Turkiga oo ay kasoo kicintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here