Fahamka dowladnimada: Erayga duulitaan Ciidamo xuduudkoodii tegay ma loo isticmaali karaa?

sagootin ciidan1

Waxaan in badan oo ka mid ah warbaahinta iyo qaar ka mid ah wariyayaasha Soomaalida maalmahaan ka maqlayay erayo ay ka mid yihiin “Ciidamada dowladda oo ku duulay gobal hebal ama degmo hebla”. Marka aan maqlay erayadaan waxaa niyadayda kusoo dhacay oo aan is waydiiyay su’aalahaan hoose:

  • Yaa duulay, yaase lagu guudlay?
  • Kuwa haddaladaan sheegaya ma yihiin kuwa fahansan macnaha dowladnimada dalkeenna iyo isticmaalka erayga “duulitaan”?
  • Ciidamo xuduudaha dalkooda la geeyay maloo isticmaali karaa erayga “duulitaan”

Marka la fiiriyo nidaamka ka jira Soomaaliya maanta ee la yiraahdo “Federalism” waxaa jira waxyaabo ama waajibaad dastuuri ah oo  saaran dowladda dhexe ee Soomaaliya kuwaas oo ay ka midyihiin Ilaalinta xuduudaha, ka baaraan-dagidda siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca iyo lacagta.

Dalalka maanta dagaaladu daashadeen waxaa ka mid ah wadanka Afghanistan oo dowladdu ka taliso wax ka yar 30% hadana waxaan ognahay in wadankaas ka mid yahay wadamada ugu xuduudaha adag marka la fiiriyo wadamada dhaca koofurta Aasiya. Waan tabaryarahay micnaheedu maahan xuduudayda ma ilaalsan karo ama ma tagi karo, waxaana in ciidan qaran tagaan xuduudaha dalka ay tahay ficil wanaagsan waa haddii loo fiiriyo dhanka aragtida fiyow.

Ku dhaqanka iyo fahamka federalku waa in dowladda dhexe iyo dhowlad-gobaleedyadu ogaadaan in qolo walba leedahay waajibaad gaar ah oo saaran iyo inay jiraan waxyaabo ka dhexeeya oo u baahan wadatashi iyo wada-xaajood. Haddii arrinta laga hadlayo ay tahay mid qusaysa ilaalinta xuduudaha dalka waa in maamul-gobaleedku fahmaan in arrintaan ay tahay waajib saaran dowladda dhexe sidoo kalana ay ka gacan siiyaan sidii ammaanka xuduudaas loo sugi lahaa, balse haddii laba ciidan oo midna yahay kii qaranka midna yahay kii maamul-gobaleedka ay dhufays isugu jiraan taasi waxay calaamad u tahay faham la’aanta nidaamka federalka wayna adkaan doontaa in horumar la gaaro ilaa laga fahmayo laguna dhaqmayo waxa aan haysano oo ah nidaamka federalka.

Way imaankartaa kala aragti duwanaan u dhaxaysa maamul-gobaleedyada iyo dowladda dhexe, balse taas waxaa xal looga gaari karaa in qolo walba aqoonsato kuna dhaqanto waxa uu u ogaalnayo dastuurka dalku. Dad badan ayaa maanta qaba in halaagga iyo horumar la’aanta na hortaagan ay tahay federalka halka kuwa kale ay qabaan in hannaankan uu yahay mid aan ku gaari karno horumar waara.

Gunaanad

Waxaa horumar lagu gaari karaa kala danbaynta iyo garashada qolo walba ay garato waxa dastuurku u ogalaanayo iyo waxa uu ka reebayo. Waxaa muhiim ah in dadka shacabku ay muujiyaan dareenkooda maadaama aysan jirin maamul ama dowlad dhisnaan karta ilaa ay haysto kalsoonida dadka deegaanka. Sidoo kale kabashada dalkeenna waxaa qayb wayn ka qaadan kara saxaafadda, waxaana kula talin lahaa madaxda warbaahinta iyo wariyayaasha inay ogaadaan in hadalkoodu meel dheer gaarayo sidaas darteedna ay isku dayaan inay soo tabiyaan wax u wanaagsan dalka iyo dadka oo aan keenayn colaad iyo kala fogaansho.

W/Q: Duran Xassan-yare
duraanhassan530@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan xaysimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here