Falanqeeye ka faalooday ujeedka saldhigga cusub ee Amisom ka furanayso Jigjiga

ethiopian army Amisom

Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha saldhigga AMISOM loogu wareejinayo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ay mudo dheer gadaal ka riixeysay dowladda Itoobiya.

Cabdullahi Nuur oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in saldhigaas uu noqon doono halka laga ilaaliyo danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, isla markaana ay dowladda Itoobiya heli doonto awood dheeraad ah oo ay kula socon karto dhaq-dhaqaaqyada gudaha Soomaaliya ka jira.

“Intii ay jirtay dowladdii tan ka horeysay ee uu hoggaaminaayey madaxweyne Xasan Sheekh mar uu tegay dowlad deegaanka, waxaa la hadal hayey in uu soo furi doono saldhigaas, loona wareeji doono mustaqbalka dhaw saldhigga weyn ee AMISOM,” ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maadaama ciidanka ugu badan ee dalka jooga ay Itoobiyan yihiin, kuwo sharciyeysan iyo kuwo aan sharci ku jooginba, isla markaana ay leedahay siyaasad ku wajahan gobolka iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo la socodka dhaq-haqaaqooda, maadaama ay jiraan dhibaatooyin hore oo aan la xalin, Itoobiya waxay mudo raadineysay inay sharci u hesho awood ay kula socon karto dhaq-dhaqaaqa gudaha Soomaaliya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan meesha ka marneyn galaangalka wadamada reer Galbeedka oo damac weyn ka leh gobolka Geeska Afrika, iyagoo si gooni ah u doortay inay xoogga saaraan dalka Itoobiya oo ah kan ugu dadka badan gobolka.

Cabdullaahi Nuur Xaashi waxa uu sheegay in qorshaha nidaamka federaalka ee lagu kala qeybiyey Soomaaliya ay fuliye ka tahay Itoobiya, isla markaana awoodeeda ciidan aysan ka marneyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo u jooga fulinta dano gooni ah.

Saldhigga laga dhisayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxaa sida la sheegay ku baxeysa lacag ka badan seddax iyo toban milyan oo dollar, waxaana la sheegay biany lacagtaas bixineyso dowladda Mareykanka.

Cabdullaahi Nuur Xaashi ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan aragti fog oo looga hor tegi karo khatar uu sheegay in qorshahaas ay ka soo socoto mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here