Fanaan KHADAR IBRAAHIM KEEYOW oo lasii daayey

Khadar Keeyow

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay inuu xoriuaddiisa dib helay Fanaan Khadar Ibraahim Keeyow oo saddex toddobaad ku xirnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sii daynta Khadar Keeyow ayaa waxaa gacan ka gaystay xildhibaan Cabdulqaadir Carabow, oo ah xildhibaanka ku matala golaha shacabka, iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Xildhibaan Carabow ayaa arrintan darteed uga baxay Muqdisho, muddana ku sugnaa dalka Itoobiya, si uu u xaqiijiyo sii-deynta Khadar.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda Itoobiya ayaa dabayaaqadii bishii December, Khadar Keeyow ka xirtay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya weli faah-faahin kama bixin sababta Khadar loo xiray, balse waxaa la rumeysan yahay inay la xiriirto arrimo dhanka sharciga socdaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here