Fanaanka Axmadey Abuubakar oo ku geeriyooday Muqdisho

Axmadey abuubakar alcamaari

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Axmadey Abuubakar oo loo yiqiin Alcamaari kaasoo kamid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed.

Axmadey Abuubakar oo ahaa aragga la’aa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun soo wajahay.

Allaha u naxariistee Axmadey Abuubakar ayaa dhowaan ka soo laabtay dalka Yemen isagoo ku noolaa wadankaas tan iyo markii la ridey dowladii hore ee Siyaad Barre.

Fanaaniin badan oo ku noolaa dalka Yemen ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka qarxeen dagaalada sokeeye,fanaaniinta ayaa waxaa kamid ah Axmed Shariif Baastow iyo qaar kale.

Heesaha caanka ah ee lagu xusuusto Axmedey Abuubakar Al-Camaari ayaa waxaa ka mid ah: Webigii jaceylka, Luul iyo Leyla, Qaahira, Hello iyo qaar kale oo badan, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeynaya bahda fanaaniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here