Farmaajo iyo Erdogan oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York

farmaajo erdogan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, ayaa soo werisay in labada madaxweyne oo magaalada New York kaga qeyb-galaya Shirka 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, ay Talaadadii shalay halkaasi ku yeesheen kulan-doceed looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu markii u horraysay mudadii uu xilka hayay ka qeyb-galaya shirka 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya New York, isagoo halkaasi ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya waddamada kale hoggaamiyaashooda shirka ka qaybgalaya.

Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa arrimaha sannadkan looga hadlayo waxa kamid ah; xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wiiqayo argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here