FARMAAJO IYO UHURU KENYATTA OO KULMAY, SHIR JARAA’IDNA WADA QABTAY

farmaajo iyo uhuru

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ku qaatay magaalada Nairobi, waxayna iska xog-wareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa id oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga dowladda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey shirka caalamiga ah ee dadweynaha iyo horumarka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nairobi, isagoona tilmaamay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ku soo aadaya iyadoo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ay dhawaan dib u dhigtay xiiska muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here