Farmaajo oo maanta warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjireyaasha Midowga Yurub iyo Shiinaha

farmaajo iyo Tiina Intelmann

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Qaranka uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub iyo dowladda Shiinaha, Tiina Intelmann iyo FEI Shengchao.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in danjiraha cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ay Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha, FEI Shengchao ayaa madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Xi Jinping, isagoona ballan-qaaday in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is-ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuuna la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here