Farmaajo oo ugu dambeyn saxiixay sharci la dagaalanka Mususqmaasuqa

farmaajo2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro musuq-maasuqa.

Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 senator.

Farmaajo oo saxiixay sharci

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga la-dagaalanka musuq-maasuqa

Slået op af Caasimada Online i Lørdag den 21. september 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here