Farriintii Sacuudiga ay Iran u direen kadib dilkii Jeneral Suleymani oo la shaaciyey

Javad Sarif Iran forminister

Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa fariin ay ku dalbaneyso wadahadal u dirtay Dowladda Iiraan, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Mohammad Javad Zarif.

Wasiirka arrimaha dibada ee Iiraan ayaa sheegay in dilkii Jeneraal Qasim Suleymani kadib ay dowladda Sacuudigu u dirtay Warqad ay kaga dalbanayaan wadahadal.

Waxa kale oo uu Wasiirku xusay in dowladda Sacuudigu aysan ka soo jawaabin fariintoodii aqbalaad ee ay kaga falcelisay dowladda Iiraan dalabkii Sacuudiga ee wadahadalka.

Wasiirka ayaa arrintaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray, kaasi oo uu si cad ugu xusay in Dowladda Tehran ay diyaar u tahay in dalalka dariskeeda ay la furto wadahadal, midaasi oo ay ku jirto Dowladda Riyadh.

Wuxuu sheegay Wasiirku in wadankiisu uu rumeysan yahay in Amniga dalalka dariska uu kaalin muhiima ka ciyaaro amnigooda, wuxuuna yiri “Waxaan jawaab wanaagsan ka bixinay farriintooda waxaanan ku dhawaaqnay inaan diyaar u nahay, laakiin wax jawaab ah kama aanu helin Sacuudiga”.

“Waxaan diyaar u nahay maanta inaan wadahadal la yeelano dhammaan waddamada deriska ah, maxaa yeelay gobolka waxaa iska leh dhammaan waddamada deriska ah. Waddamada gobolka ayaana mas’uul ka ah xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolkaba”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii dalalka deriska nala ah ay doonayaan inay yareeyaan xiisadaha, waxaa jira habab badan oo lagu gaaro arrinkaasi, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah rabitaanka dhabta ah ee waddamada ee arrintaasi la xiriira”.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inaysan jirin Talaabooyin uu qaaday Sacuudigu oo uga dan leeyahay yareynta xiisadaha taagan ama ansixinta barnaamijka Nabadda ee Hormuz.

Wuxuuna ugu dambeyntii sheegay Wasiirku in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadku ay xaalad abuur cusub ka wadaan gobolka, iyagoona ka dhex raadinaya xiisado hor leh.

Sacuudiga iyo Iiraan oo ah labo dowladooda oo awood leh ayaa inta badan waxay si weyn ugu loolamaan galaangalka gobolka Bariga Dhexe, taasi oo marar badan sababtay xasillooni la’aan siyaasadeed oo gobolka oo dhan soo wajahda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here