Faysal C Waraabe 20 Sano ayuu Somaliland ku ahaa cay iyo qurub xaaraana oo ku dhex jira dulqaadkii baa dhamaaday

faysal cali waraabe6

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaa yaab iyo ma hadho ku noqotay inay saxaafadda ka arkaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo ku andacoonaya waa lay caayey, isagoo iska dhigaya shaqsi ceeb ka siliim ah oo aan aflagaado hore sameyn, sida Iimaam Masaajid oo meel lagaga dhacay.

WAA KUMA FAYSAL CALI WARAABE?

Faysal mudo 20 sano ka badan wuxuu ahaa gudoomiyaha mid ka mida sadexda Xisbi ee Somaliland, wuxuu dhowr jeer ku guuldareystay inuu ku guuleysto hagaanka Somaliland, wuxuu yahay shaqsi ku caan baxay cayda iyo aflagaadada Beelaha iyo Masuuliyiinta Somaliland, isagoo aan qarsan jirin qabyaaladeynta, hadal xumeynta iyo hanjabaada Beelaha aan Isaaqa ahayn.

Faysal wuxuu xarago iyo faan ka dhigtay cayda iyo aflagaadada aan kala hadhka lahayn ee uu u geysanayo Umadda iyo Beelaha Soomaalliyeed, taasoo sumcad xumo iyo cadaawad u soo jiiday Somaliland, ma jirto Reer ama masuul Soomaaliyeed oo uu nabadgeliyey.

Dadka Soomaaliyeed 70% waxaa lagu qiyaasaa inay dhalinyaro yihiin, kuwaas oo caqliyeystay ama dhashay 30 Sano ee Somaliland iyo Soomaaliya kala maqnaayeen, markay saxaafada ka arkaan cayda iyo aflagaadada Faysal Cali Waraabe iyo naceybka uu muujinayo, hadana la leeyahay waa gudoomiye Xisbi oo masiirkii Somaliland sadexda qof ee gudoominaya uu ku jiro waxay Reer Somaliland u qaateen dad xun oo Faysal Cali waraabe ugu fiican tahay, 90% naceybka iyo aragtida xun ee Soomaalidu ay somaliland ka qabto waxaa dhaliyey cayda iyo cunsuriyada Faysal uu maalin walba saxaafada ka sheego.

Dhacdadii ugu dambeysay ee uu Saxaafada la soo fariistay kuna eedeeyey Madaxweynaha Somaliland, horta ADUUNKA WAA KA CAADI IN MARAR BADAN AY MADAXDA SARE EE DALKU XAFIISYADOODA ISKU MAAGAAN, ISCAAYAAN, ISU GACAN QAADAAN, laakiin xafiiska iyo siyaabo kale ayey Ku dhameystaan.

Ayaandaradu ugu weyni waxay haysataa shacabka Somaliland ee uu masiirkooda go’aaminayo ninka sida ilmo yar oo wax u dhiman yihiin saxaafada la soo fariistay hooyaday baa la caayey, waa yaab Faysal ma garanayo inuu Somaliland oo dhan caayey oo aragti khaldan iyo qiimeyn xun uu ka bixinayo, Madaxweyne Muuse Biixi Somaliland buu metelaa, Faysal Cali Waraabena waa gudoomiye Xisbiga, taladdana waa laysku qabanayaa oo laysku afdhaafayaa, mana noqonayso markii ugu dambeysay, wixii Madaxtooyada ka dhacay inuu Caalamka oo dhan u sheego waa gef weyn oo uu umadda ka galay, mana la cafiyi karo in uu dhalinyarada iyo jiilasha soo koraya uu saxaafadda ka maqashiiyo hadalo aan loo baahnayn inay xafiisyada sare ka ogaadaan ama lagu tilmaamo inay yiraahdeen madaxdoodii.

Xaqiiqdii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu ku guuldarestay waajibaadkii ka saarnaa inuu ilaaliyo aamusnaan iyo qarinta xoga sireed ee xafiisyada sare ee qaranka ka socda, sidaasdarteed ma istaahilo in dib dambe loogu ogolaado Madaxtooyada iyo meelaha dalka looga taliyo ama uu Gudoomiye Xisbi sii ahaado, wuxuu dembi ka galay oo ceebeeyey dadka iyo dalka Somaliland, haddii ay jirto eeda uu Madaxweyne ka sheeganayaa waa wax loo baahnaa in Faysal laga joojiyo sharaf dhaca iyo colaadda joogtada ah ee uu Somaliland u soo hoynayo, ama kala fogeynta wuu caadeystay, waxayna safka hore ka gelaysaa waxqabadka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyntii waxaa isweydiin mudan HADDII FAYSAL CALI WARAABE UU SIDAAS CAYDA UGU JILICSAN YAHAY OO U NECEB YAHAY MUXUU BEELAHA ISKA DHAN IYO DADKA KALE MAALIN WALBA U CAAYI JIRAY?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here