Faysal Cali Waraabe: Isma aan lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta qof laga soo magacaabo Muqdisho

faysal cali waraabe6

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay xilligan ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nadaafada ah, oo aan wax laga qaban tan iyo dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sheegay in guryo waa weyn oo Hargeysa laga dhisay xilligii dolwaddii Maxamed Siyaad Barre ay weli taagan yihiin, ayada oo aan wax dayactir ah lagu sameyn, ayada oo madaxda Somaliland muddo 28 sano ah ay dhisi waayeen gurayahaas oo kale.

“Runtii wax na looga sheekeynayo ma ahan waxa caasimadda Hargeysa ka jira oo indhaheena ayaan ku aragnaa, xaqiiqdii guryahaan waxaa dhistay dowladdii aanu ridnay ee qabiilka ahayd ee na xasuuqday, ismaan lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta dadkii laga soo magacaabi jiray Muqdisho.”

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in mas’uuliyiinta hadda maamusha Somaliland aysan garaneyn wax aan ka ahayn “inay wax cunaan” oo aysan waxba dhisin.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inay u tagi doonaan madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay kala hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin golaha wakiilada ee aan la beddelin 17-ka sano, iyo dowladda hoose ee Hargeysa oo uu ugu yeeray mid aan sharci ahayn.

Faysal Cali Waraabe waxaa uu hadalkan sheegay xilli maanta uu booqasho ku tegay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, oo nadaafad xumo baahsan ay ka jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here