Faysal Dhulbahante ma caayin ee wuu calaacalay wuxuuna cadeeyey inay SNM iyo SSDF

faysal cali waraabe6

Gudoomiyaha Xisbiga cilinka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo dhowaan jeediyey hadal calaacal ah oo xaqiiqda ku saleysan ayaa dad badani si khalad ah u fahmeen, iyagoo u qaatay in Beesha Dulbahante lagu aflagaadeeyey.

Waxaa xusid mudan in Faysal uu yahay nin Hargeysa ugu cuqdada iyo qabyaalada yar, wuxuu sheegaa waxa ku jira Uurka Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Beesha Isaaq, hadalkiisuna waxba kama duwana kii Madaxweyne Muuse ee AABAYAASHIIN IYO AWOOWEYAASHIIN BAAN CAYDHSAN JIRAY AMA KII TALIYAHA CIIDANKA NUUX TAANI, nin kasta oo Hargeysa kugu caroodaa intaas Faysal sheegay uun buu yiraahdaa markaas maaha wax Faysal ku kooban.

Hadalka Faysal wuxuu muujiyey inuu weli socdo dagaalkii u dhexeeyey taageerayaashii SSDF iyo SNM ee horseedka ka ahaa burburkii dalka ee Xabashi iyo cadowgii Soomaalida dalkoodii u soo raacay iyo Beesha Dhulbahante oo midnimo iyo halgan Soomaaliyeed ku caan baxday.

Faysal waa runtiis in qofkii Dhulbantenimo ku jirto ee Goleyaasha Puntland iyo Somaliland ku jiraa uu lugta jiidayo oo uu Soomaaliweyn ku sugayo.

Beentiis maaha in Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn aanay midnimada iyo Soomaalinimada gorgortan ka gelay marka Soomaali rabta la helo.

Waa marag ma doonto in degaano Sool, Sanaag iyo Cayn ka mid ah uu Isaaq xoog ku haysto.

Waa runtiis in Beesha Isaaq ay Buuhoodle kulaalayso, dhulka uu Faysal magacaabayna xoog ku haystaan, dad badana ku xasuuqeen sida xasuuqii Kalshaale ee Isaaq oo dhami habarjeclo dhulka ugu boobayeen, iyadoo xuduudkii Ingiriisku kaga tegay ay tahay degaanka Beer ee Burco dusheeda ah.

Faysal Cali Waraabe wuxuu muujiyey in Hargeysa aanay caasimad ahayn, Somalilandna aanay qaran ahayn, ciidanka tukaraq joogaana uu qabiil yahay, maadaama ay marayso qof baa mushahar naga qaata, halka Muqdisho canshuurteeda Soomaali oo dhan lagu maamulo.

Faysal wuxuu u digay kuwa biladaha ku qaatay inay caruurtooda, dumarkooda iyo dadkooda qoorweynta ah maalin walba hubka lidka diyaaradaha ku ridaan ama Saxaafada ka aflagaadeeya umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ah cadaaladu sugayso inay ka goyso wixii ay galabsadeen.

muuse iyo mahad canbaashe

Calaacalka Faysal wuxuu cadeeyey adkaysanka Beesha Dhulbahante oo horey bilowgii qarnigii 20-aad mudo dheer la dagaalamaysay Boqortooyaddii Ingiriiska oo doonaysay inay gaaleyso shacabka Gobolada Waqooyi, iyadoo ay cadahay inay 30 Sano kadib ay SNM iyo SSDF kula jiraan dagaalkii Soomaalinimada iyo midnimada Soomaaliweyn.

Beesha Dhulbaante 29 sano ee burburka waxaa isugu tegay SNM, SSDF, Tigreegii Itoobiya iyo Madaxdii Federaalka ee dalka iyo dumarka Soomaaliyeed gatay, kuwaas oo dhadhamo iyo qabyaalad u burburiyey Maamulkii Khaatumo, iyadoo oo ugu dambeyn uu Madaxweyne Farmaajo meel ugaga dhacay kadib raaligelin siiyey qaarka ka mid beelaha Waqooyi isagoo aan soo hadal qaadin Xasuuqii Kalshaale iyo taciyada laga geystay Gobolada SSC.

UMADDA SOOMAALIYEED MEELKASTA OO AY JOOGTO WAA INAY OGAADAAN IN BEESHA DHULBAHANTE AY YIHIIN BULSHO WADANIYADA, MIDNIMADA IYO SOOMAALINIMADU KU WEYN TAHAY.

FG: Faysal wuxuu ka mid yahay sadexda nin ee talada iyo masiirka Somaliland goaamiya.

cirro faysal muuse

Dhegayso hadalkii Faysal Cali Waraaabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here