FBI-da oo weerarkii saldhigga Florida fal argagixiso ku tilmaantay

Maxamed Al Shamraani

Wakaaladda FBI ee Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkii dadka lagu laayey ee ka dhacay Jimcihii saldhigga ciidamada badda ee Florida ay u haystato inuu fal argagixiso ahaa.

Ninka dableyda ahaa ee Sucuudiga ahi waxa uu tabobar u joogay saldhiggaa Pensacola waxaanu dilay saddex askari intaan isagana toogashada lagu dilin.

Dembi baadhe ka tirsan wakaaladda oo la yidhaa Rachel Rojas ayaa sheegtay in FBI baadhayso in ninkaasi keligii falkaa go’aansaday iyo in ay jirto cid kale oo hawshaa kula jirtay.

Waxay sheegtay in arday kale oo Sucuudi ah oo saldhigga tabobar u jooga su’aalo la weydiiyey laakiin aan la xidhin. Waxaanay sheegtay in lagu hayo saldhigga oo ay gacan siinayaan dembi baadheyaasha.

Dadka la dilay waxa lagu sheegay in ay kala yihiin Joshua Kaleb Watson oo 23 jir ah, Mohammed Sameh Haitham 19 jir iyo Cameron Scott Walters 21 jir.

Ciidanka badda Maraykanku wuxu sheegay in askartii saldhiggaa joogtay ay “muujiyeen geesinimo iyo naf hurid ay sharkaa kaga hor tageen”.

Shir jaraa’id oo ay qabatay Axaddii ayaa Rojas aanay wax faahfaahin ah kaga bixin waxa ilaa haatan baadhitaanka lagu ogaaday.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ninka dadka toogtay oo ahaa 21 jir lana odhan jiray Maxamed Alshamraani uu hubka uu sitay sifo sharci ah kaga iibsaday Maraykanka dhexdiisa, waxaanu ahaa baastoolad cabbirka rasaasteedu tahay 9mm.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xigatay askari aan la magac dhabin ayaa ku warantay in Alshamraani horaantii todobaadka uu daawadsiiyey askarta kale xilli qadihii muuqaal muujinaya qof dad badan rasaas la dhex qaadaya.

Sida uu sheegay urur ilaaleeya waxyaabaha lagu baahiyo internet-ku, bog ku yaal shabakadda Twitter-ka oo la moodo in uu lahaa Alshamraani ayaa sidoo kale waxa ku yaal qoraallo xidhiidh ah oo Maraykan nacayb ah oo la baahiyey shilkaa ka hor.

Saldhigga Pensacola muddo dheer ayuu ahaa goob tabobarrada duulimaadyada lagu siiyo saraakiil ka socota milatariga dalalka shisheeye.

Duuliyeyaasha Sucuudiga in halkaa lagu tobobaro waxa la bilaabay sannadkii 1995-kii waxaana sidoo kale iyaguna tagi jiray kuwo ka socda dalalka Talyaaniga, Singapore iyo Jarmalka. Waxaana saldhiggaa ka hawl gala in ka badan 16,000 oo askar ah iyo 7400 qof oo shaqaale rayid ah.

Alshamraani waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka cirka Sucuudiga [ oo ka mid ah saraakiisha tabobarka u joogay saldhigaas].

Mar sii horraysay ayaa wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Mark Esper, amar ku bixiyey in dib loo eego xeerarka baadhitaanka hubsiimada askarta shisheeyaha ah ee tabobarada u taga Maraykanka.

Esper oo telefishanka Fox News la hadlay Axaddii ayaa sheegay in uu amar ku bixiyey in saraakiisha sarsare ee gaashaan dhiggu ay dib u egaan xeerarka nabadgelyada ee saldhigyada dalkaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sidoo kale ballan qaaday in dib loo eegi doono xeerarka iyo shuruudaha milatariga.

Sidee wax u dhaceen Jimcihii?

Maamulka waxa lagu wargeliyey shilkaa toogashada ah ee ka dhacay saldhigga Pensacola 06:51 daqiiqo [wakhtiga Floridda]. Waxaanu ka dhacay dhisme fasallo waxbarasho ah oo laba dabaq ah gudihiisa hase yeeshee waxa soo af-jaray askari ka tirsan booliska magaalada oo Alsharmaani dilay.

Waxa sidoo kale weerarkaa ku dhaawacmay sideed qof oo kale oo ay ku jiraan laba sarkaal oo haatan aad uga soo kabanaya dhaawacaas.

Su’aalaha dhacdadani gelisay xidhiidhka Sucuudiga iyo Maraykanka

Si la mid ah sidii uu yeelay markii saxafigii mucaaradka ahaa ee Sucuudiga u dhashay, Jamaal Khaashoqji, lagu dilay qunsiliyadda dalkiisu ku leeyahay Istanbul, ayaa Madaxweyne Trump doonayaa in aanu wax weyn ka dhigin toogashadan ka dhacday saldhigga Pensacola.

Madaxweynaha Maraykanka oo siyaasadiisa ariamaha dibadda ganacsigu saldhig u yahay waxa uu Sucuudiga u arkaa dal macmiil weyn u ah wadankiisa. Balaayiinta doolar ee Sucuudigu hubka kaga iibsado Maraykanka ayaa sidoo kale sahlaysa in 5500 dheeraad fiiseyaal muddo kooban ah la siiyo milatariga Sucuudiga oo saraakiishiisa lagu tabobaro.

Askarta Sucuudiga ah ee Maraykanka tagtaa waxay ciidamada shisheeye ee saldhigyada iyo kulliyadaha milatariga Maraykanka lagu tabobaro ka yihiin 16%. Toogashadan ka dhacday saldhiga Pensacola waxay durba dhalisay su’aalo la iska weydiinayo habka baadhitaanka hubsiimada ee lagu xusho shakhsiyaadka imanaya saldhigyadaas.

Laakiin waxay sidoo kale aad indhaha ugu soo jeedisay xidhiidhka soo jireenka ah ee Washington iyo Riyaad oo ah xidhiidh xubno badan oo dhaliila oo ka tirsan Congress-ku u arkaan in shakiga laga qabaa marba marka ka dambaysa sii badanayo, weliba gaar ahaa wixii ka dambeeyey dilkii Khaashoqji iyo gulufka Sucuudigu ku hayo Yemen.

Xogasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here