Filim lagu tilmaamay Masiixu-Dajaal oo muslimiin badan ay ka xanaaqeen

Mehdi Dehbir

Netflix waxay isbuucii la soo dhaafay baahisay xayeysiinta musalsal dhowaan billaaban doona oo lagu magacaabo Messiah (Masiixi) – wuxuuna si bareer ah u muujiyay wax khiyaano weecin ah ay u arkeen daawadayaal badan oo Muslimiin ah.

Filimka waxaa qeyb ka ah nin daafaha caalamka ka sameynaya waxyabo mucjiso ah.

Balse magaca ninkaas ayaa si weyn madaxa looga gilgilay, waana Dajaal, kaas oo sida diinta islaamka ay qabto sheegayana nabinimo oo been sheegaya.

Muslimiin badan iyo dad kale oo badan oo ku hadla Carabiga, way qiyaaseen in Messaih loola jeedo Dajaal, waxayna ku kaftameen in ay u baahan yihiin “in salaad la tukado” ka dib markii ay arkeen xayeysiinta.

Muxuu ahaa xayeysiiska?

Sida xayeysiinta ku cad, atooraha ugu sarreeya – oo uu jilayo ninka u dhashay Belgium ee lagu magacaabo Mehdi Dehbi – waxaa la arkayaa isagoo waxyaabo mucjiso ah sameynaya, wuxuuna helayaa tageero caalami ah oo aad u ballaaran.

Waxaa baritaan ku sameyneyesa haweeney mataleysa in ay ka tirsan tahay CIA, waxayna uga shakineysaa in uu yahay khiyaanoole. Mar ay su’aalo weydiineyso wuxuu u sheegayaa in “aabihi uu soo diray” si uu dadka u caawiyo.Ka gudub Youtube daabacaad W.Q Netflix

Digniin: Macluumaadka dad kale waxaa laga yaabaa inay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Youtube daabacaadda qore Netflix

Netflix ayaa twitter-ka soo gelisay xayeysiiska oo ay ku qoreen su’aal ah: “Yaad u maleyneysaa in uu yahay?”

Dehbi (waa magaca dhabta ah ee jilaaga), xayeysiiska laguma sheegin magaca loogu yeerayo filimka, balse bogga Netflix waxaa lagu qoray in loogu yeerayo Al-Masih – oo noqoneysa “the messiah” (Masiixul-dajaal, sida dadka qaar ay ku micneeyeen), oo ah magaca Islaamka uu ugu yeeray in Dajaal uu sidaa isku magacaabi doono.

Sidee looga falceliyay?

Nin aragtidiisa kaga dhiibtay Twitter-ka oo lagu magacaabo @Sultaan_Mo1 wuxuu yiri: “Waxaan dareemayaa imaanshaha Dajaal”, wuxuuna ku sii daray “waan hubaa in si lama filaan ah ay il uga dhici doonto.”

Sida diinta Islaamka ay sheegtay, Dajaal wuxuu la’yahay hal il.

Xayeysiimaha laga sameeyay waxaa aragti ka dhiibtay kumannaan qof. Ninkaas Twitter-kiisana waxaa isla sii wadaagay kumannaan kale. Balse mar dambe ayuu soo dhigay sawirro uu ku sheegay in laga mamnuucay bogagga Netflix iyo Messiah.

Netflix ayaa beenisay waxayna tiri: “Run ma ahan sheekadan, mana mamnuucdo taageerayaasheenna”.Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Sultaan_Mo1

Muعad.@Sultaan_Mo1

Bruh wth https://twitter.com/Sultaan_Mo1/status/1201962941127577600 â€¦

View image on Twitter
View image on Twitter

Muعad.@Sultaan_Mo1I’m getting Dajjal vibes https://twitter.com/MessiahNetflix/status/1201878806669283332 â€¦13.5K12:23 AM – Dec 4, 2019Twitter Ads info and privacy7,370 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @Sultaan_Mo1

Qof kale ayaa yiri in “Muslimiinta ay ogaadeen weecinta ugu dambeysa ee Netflix ee ‘Messaih’ taas oo muujineysa in macno ahaan ay jilaaga ugu magacaabeen Dajaal”, laakiin bogga rasmiga ah ee Netflix ayaa ku jawaabay: “Sidaa xaqiiqdii ma ahan magaca atooraha.”

Qoraaga G Willow Wilson waxay sheegtay in ay Netflix “culeys ku ahaan lahayd” haddii jilaaga oo hadda loogu yeeray Al-Masih, lagu magacaabi lahaa “Bob, ama Abdel Xaliim el Helwani ama *macno ahaan* wax ka baxsan cinwaanka oo ah in uu ugu dambeyn ku dhawaaqi doono qof ka dhan ah Masiixiyiinta”.

Belgian actor Mehdi Dehbi as Al-Masih in Messiah
Jilaaga filimka oo magaciisa dhabta ah uu yahay Mehdi Dehbi

Waxay intaa ku dartay: “waan fahmay sababta, qof English ku hadla oo aan wax xiriir ah la lahayn Islaamka ama Carabta, uusan u fahmi karin farqiga u dhexeeya Masih iyo Messiah. Waxaa dhici karta in ay ula mid tahay Bob. Mana filayaan in wax kasta oo Internet-ka ku jira uu yahay wax iyaga quseeya.”

Mid ka mid ah dadka ra’yigooda ka dhiibtay wuxuu sheegay in duco loo baahan yahay ka dib markii uu xayeysiiska daawaday, wuxuuna dhageystay Quraan.

Muxuu yahay Dajaal?

Dajaal wuxuu luqadda carabiga ku yahay “khayaanoole”.

Sida Islaamka uu qabo, Masiixul-Dajaal waa qof xun oo nabinimo sheegan doona, wuxuuna dadka u jiidi doonaa dhanka dariiqa xun ee shaydaanka in ay raacaan.

Waxaa baabi’in doono Nabi Ciise ama Mahdiga.

Sida Diinta islaamka ay ku tilmaamtay Dajaal wuxuu leeyahay timo isku duuban, hal il ayuu la’yahay, ereyga ‘kafir-na’ wuxuu kaga qoran yahay wejiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here