Gaadiid dagaal ay leeyihiin Ciidamada Dowladda oo caawa la geeyay B/Xaawo

Gaadiid dagaal

Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa degmadaasi la geeyay gaadiid dagaal, oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa fiidnimadii xalay si nabadgelyo leh kula wareegay gacan ku haynta Degmada Beled Xaawo, ka dib markii ay isaga baxeen ciidankii taabacsanaa Maamulka Jubbaland.

Gaadiidka dagaalka ee ay leeyihiin Ciidamada Dowladda ayay maanta diyaarado ka dejiyeen Garoonka Degmada Doolow, ka dib markii ay ka daad-gureeyeen Magaalada Muqdisho.

Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa sheegay in gaadiidkan ay u badan yihiin kuwo dagaalka.

“Anaga waxaan aragnay labaatan tikniko iyo saddex gaari oo kale oo kuwa raaxada ah. Waxaana jira in la leeyahay baabuurta kale ee qufulan ayaa ku soo wajahan Magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Daahir Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dabaaldeglyo ayaa caawa ka socda Magaalada Beled Xaawo oo lagu soo dhaweynayo Ciidamada Dowladda iyo gaadiidkooda la keenay magaalada. Dadka waxay isugu soo baxeen wadooyinka, iyagoo si aan caadi ahayna u soo dhaweeyay.”

“Qoladii kale ee ka baxday magaalada waxay hadda jooggaan kastamka xuduuda ee Mandheera. Maanta ayay u taggeen Odayaasha Dhaqanka oo ugu tagey inay la midoobaan Ciidamada Dowladda, way ka diideen.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Maamulka Jubbaland ayaa horey Dowladda Federaalka ugu eedeeyay in Gobolka Gedo, ay ka go’doomineyso Jubbaland inteeda kale.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa si weyn isugu khilaafay doorashadii lagu murmay, ee marka labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here