Gaalkacyo: Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo ninkii waday oo la qabtay

danab kumandoos

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo ninkii waday, kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgalka oo mid qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyey koonfurta magaaladaasi oo ay ka taliso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Gaariga la qabtay ayaa noociisa saraakiisha amniga waxa ay ku sheegeen NOAH., kaas oo ay tilmaameen in lagu fuliyo weerar is-miidaamin ah.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan gaarigaasi oo aan la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Gaalkacyo oo kala qeybisa maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amaan dari, waxaana weerarkii ugu dambeeyey lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Marxuum Axmed Muuse Nuur.

Saaka ayey sidoo kale aheyd markii qarax is-miidaamin ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Si kastaba ha’ahaatee muddooyinkii la soo dhaafay ciidmada ammaankabayaa aad u xoojiyey amniga guud ee Gaalkacyo, kadib shirar ay isaga yimaadeen laamaha amniga ee degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here