Gaalnimada uu CC Shakuur ku dhacay waa bilowgii dhamaadka xumaanta iyo dadkeedii

dembiileyaal siyaasadeed

Allaa Mahad leh, waxaa muuqata astaamo muujinaya in illaahay Somaali ciqaabtii ku socotay uu ka qaadayo, dadkeediina uu awoodiisa ku qabanayo, iyadoo ay astaan cad inoo tahay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo sida loo qabtay, kibirka markii uu hadlayey ka muuqday iyo maqaamka uu maanta taagan yahay.

Cabdi Raxmaan, Raiisul Wasaare hore Cumar Cabdi Rashiid iyo Madaxweyne hore Shiikh Shariif ma ahayn inay maanta ummadda Soomaaliyeed hortooda isa soo taagaan oo damac siyaasadeed galo, ee waxay ahayd inay dhuuntaan, si magacooda iyo aragooda loo ilaawo, waa nimankii Badda Soomaaliyeed muranka geliyey, Shiikh Shariif waa ninkii Maxaakiimtii Khiyaanay ee weliba Basaasay, kumanaanka dhalinyarada iyo Caruurta ah xabadda u dhigay, oo derajada iyo lacagta yar ku bedeshay.

Madaxweyne hore Xasan Sheekh waa ninkii musuqmaasuq iyo lacag jeceyl dartiis Gabdhihii Soomaaliyeed iibiyey oo dibada u dhoofiyey, isagoo kale diintu ma amaanin.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur markuu dembi uu umadda ka galay ku joogi waayey, oo alle cafis weydiisan waayey, Illaahay baa qabtay, waxaana maanta muran ku jira diintiisii iyo dadnimadiisii, waana arin lagu tusaale qaato kibirkii ka muuqday markuu khudbadeynayey iyo marxaladda uu maanta ku sugan yahay, waxaana u banaan INUU BUUXIYO SHURUUDAHA TOOBADKEENKA, DABADEEDNA UU UMADDA KA DHUUNTO.

Madaxweyneyaashii hore isma oga ee waa ciqaaban yihiin, ma jirto dulimo ka weyni inay marba Safiir lagu khasbay inuu Muqdisho soo dego, ay dalkoodii iyo dawladoodii ka dacweeyaan. WAA ILOWSAN YIHIIN IN FARMAAJO IYO KHEYRE AY CAYRIYEEN KII UGU WEYNAA EE QARAMADA MIDOOBAY. Waa amar alle in caqligoodii uu gaaro inay maalin walba ishaystaan Askari waardiye haya ama qof shaqaale ah.

Guud ahaan waxaa umadda Soomaaliyeed u soo ifaysa rajo fiican iyo in qofkii wixii uu dalka iyo dadka u geystay ilaahay cafis ka weydiisan waaya uu wajahayo awoodii ALLE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here