Gaari la jiirsiiyay dad isugu tagay magaalo ku taalla Jarmalka

police germany

Qof gaari watay ayaa dhex galay dadweyne isugu tagay munaasabad ka socotay magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka, sida ay taliska booliska sheegeen.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen halkaas, sida ay warbaahinta maxalliga ah tabiyeen. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in la xiray darawalkii gaari waday.

Wali lama oga ujeeddada rasmiga ah ee weerarkan.

Tiro badan oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa lagu arkayaa goobta uu falkan ka dhacay ee magaaladaas yar, oo ku taalla gobolka Hesse ee galbeedka Jarmalka.

Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa sheegay in gaari noociisu yahay Mercedes, oo midabkiisu qalin yahay uu jiiray dadka, saacaddu markii ay ahayd abaare 14:30, wakhtiga maxalliga ah.

Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaari noocaas ah oo ay ku hareereysan yihiin baabuurta gurmadka deg degga ah.

.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta Jarmalka u sheegay in darawalka uu gaariga xoog u kaxeeyay markii uu ku dhawaaday goobta ay dadka isugu tageen, uuna u muuqday inuu si gaar ah u bartilmaameedsanayay carruurta.

Falkan ayaa dhacay xilli lagu guda jiro dabaaldagga loo yaqaano Rosenmontag ama Isniinta Cas – kaasoo sanadkiiba hal mar laga sameeyo qeybo ka mid ah dalka Jarmalka iyo sidoo kale qeybo ka mid ah waddamada Austria Belgium iyo Switzerland.

Iskuullada ayaa badanaa la xiraa maanta oo kale, inkastoo arrintan aysan fasax qaran ka ahayn waddanka Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here