Ciidamada amniga dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee ku sugan Magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Noah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Gaarigan oo la qabtay xili uu sii galayay magaalada Wardheer ayaan la ogeyn halka uu ku wajahnaa, iyadoo ciidamada amaanka ay baaris ku wadaan si ay u ogaadaan halka uu ka yimid, cida iska leh iyo goobta lala damacsanaa.
Ciidamada ayaa ku guuleystay iney kala furfuran qaraxyada saarnaa gaarigan.
Booliska ayaa sidoo kale waxay sheegeen in afar nin oo gaarigan la socday la qabtay ayna gacanta booliska ku jiraan.
Saraakiisha ayaa sheegay in arintani ay tahay mid ku cusub Degaanka Soomaalida oo aan looga baran qaraxyo iyo wixii la mid ah.
Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ugu amaanka wanaagsan geeska Afrika waxayna ku guuleysatay iney gudaha dalkaas ka ilaaliso weerarada ay fuliyaan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.