Gabadh 12 sano jir ah oo ay laba nin guursadeen muddo bil gudeheed ah

gabar yar

Gabadh 12 sano jir ah ayay maamulka dalka Kenya soo badbaadiyeen kaddib markii muddo bil gudeheed ah ay guursadeen laba nin.

Gabadha aabeheed oo ku sugan Ismaamulka Narok oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Nairobi ayaa ku khasbay gabadha iney guursato nin 51 sanno jir ah. Way ka soo carartay kaddibna waxay guursatay nin 35 sanno jir ah ka hor inta aysan soo badbaadinin qof u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo saraakisha dowladda.

Dallka Kenya waxaa ka mamnuc ah in qof da’diisu ka yartahay 18 sanno jir la guursado. Qofka u dooda xuuqda caruurta ayaa sheegay in akhbaarta gabdha uu helay isagoo ku jira bad-baadinta gabdha kale.

“Aabeheed ayaa siiyay nin da’ ah oo u guuriyay, kaddibna waxay guursatay nin ka da’yar kii uu aabeheed siiyay,” sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Joshua Kaputah oo ka tirsan Ururka Nabadda ee Ismaamulka Narok.

Waxa uu Mr Kaputah intaasi ku daray in guurkaasi deg-dega ah ay kaalin weyn ka cayaareen saboolnimada iyo iskuulada loo xiray fayraska corona awgii.

“Qaar ka midah qoysaska wey baahan yihiin, sidaasi darteedna waxaa wax weyn la ah 3 sacaad oo yarad ahaan loo siiyay,” ayuu yiri.

Guurka xilliga hore ah, maku badan yahay Kenya?

Girl who was rescued

Weriyaha BBC-da Peter Mwai ayaa sheegay in guurka Gabdhaha da’da yar ee qabaa’ilka Masaayda ee dega Ismaamulka Narok in badan walaac laga muujinayay.

Waxa uu intaasi ku daray in gabdhaha Masaayda loo arko hanti, ayna aabayaashood u dooraan ninka ay guursanayaan iyaga oo lo’ ku badalanaya.

Ma jirtaa cid loo xiray kiiska gabadha?

Wargeyska maalin-laha ah ee ka soo baxa Kenya ee Standard ayaa soo weriyay in guurkii hore ee gabdha yarad ahaan qoyskeeda loo siiyay afar neef oo lo’ ah, kaddib gabadhu waxay isku day’day iney ka hor timaaddo guurka hase yeeshee waxaa garaacay wiilal ilma adeeradeed ah.

“Waan soo baxsaday, maadaamaa aanan ku laaban karin gurigeenii cabsida aan aabahay ka qabo darteed waxaan go’aansaday inaan guursado nin 35 sanno jir ah”, sidaasi waxaa lagu qoray wargeysa Standard oo gabadha soo xiganaya.

Mr Kaputah ayaa sheegay in gabadha aabeheed uu soo helay kaddibna uu dib ugu celiyay ninkii 51 sanno jirka ahaa ee uu markii hore u guuriyay.

Markii Mr Kaputah iyo saraakiisha dowladda ay imanayeenba ninka durbadiiba wuu cararay.

Booliska ayaa haatan ku daba jira aabeheed iyo labada nin ee guursatay gabadha, kuwaasi oo ay warbaahinta gudaha sheegayso iney is qarinayaan.

Haddii la soo qabto oo dambigaasi lagu helo waxaa lagu xukumayaa ugu yaraan shan sannadood ama 10 kun oo doolar oo ganaax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here