Gabadh is dishay ka dib markii uu saaxibkeed muuqaal ka duubay

goo hara isdishay

Markii xidigta Goo Hara, oo geeriyootay toddobaadkii hore uu saaxibkeed ka duubayay muuqaal qarsoodi ah si adag ayay u dagaalantay si ay cadaalad u heho. Arrintan ayaa waxay horsedday in Goo Hara lagu weeraro baraha bulshada.

”Weli waxaan u maleeynayaa inuu idaawanayo,” sidaasi ayay Eun-ju Lee abeheed u sheegtay.

Waxay ahayd abaare 1-dii habeenimo, waxay u yeertay abaheed ka dib markii ay ku qarawday riyo aad u argagax badan maalomo ka dibna qudha ayay iska jartay.

Eun-ju, ma ahan magaceeda saxda waxaa magacaasi lahaa gabadh ay saameyn ku yeelatay kamarada basaasnimada ee Kuuriyada Koonfureed.

Saaxiibkeed oo ku sugnaa Isbitaal ku yaalla koonfurta dalka ayaa waxa uu qolka ay gabdhuhu ku dhar bedeshaan ka qoday god uu ku qariyay kaamiro yar. Markii la qabanayay isagoo marada ka qaadaya haweeneey, booliska ayaa waxay qabteen telefoonkiisa kaasi oo laga helay muuqaallo uu ka dubay afar dumar ah.

Waalidiinteeda ayaa waxay so bandhigeen wicitaankaadii maalmehii ugu dambeeyay ee nolosheeda,taasi oo ay aaminsan yihiin in gabadhooda ay u dhimatay xanuunkii dhanka masakaxda ahaa ee uu u horseeday muqaalkaasi.

”Qof waad dili kartaa adigoon adeegsanin wax hub ah” sidaasi waxaa BBC-da u sheegay aabaheed. Culeyska dhibaatadan aad ayuu u sameen badan tahay balse dadka qaar siyaabo kala duwan ayay uga badbaadaan laakinse gabadhaydu way u suurogeli weysay inay ka badbaaddo”.

Bilowgii bishan ninkan oo aan magiciisa la sheegeeynin sababo la xiriira sharciga ayaa 10 bilood oo xabsi ah lagu xukumay. Dacwad oogeyaasha ayaa waxay codsadeen in ninkan lagu xukumo muddo xabsiyeed laba sannadood ah ah, iyadoo xukunka qofka lagu helo duubista sharci darrada ah uu yahay Shan sano ah.

Waalidiinta Eun-ju ayaa go’aan ku gaaray inay damaanad ka qaataan go’aankaasi ay maxkamaddu gaartay iyagoo ku doodaya in xukunka lagu riday dambiilaha uu aad u jilicsanyahay. Waxayna sheegeen in xitaa haddii la xukumi lahaa laba sannadood ay aad u yaraan lahyd.

Kamaradooyinka qarsoon ama kuwa basaasnimada ayaa waxay dhibaato ku hayaan Kuuriyada Koonfureed iyadoo labadii sannadood ee la oo dhaafay booliska dalkaasi lagu wargeliyay 11,200 oo kiis kuwaasi oo la xiriira kamaradooyinka daahsoon, iyadoo inta badanna muuqaaladaasi laga duubay dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here