Galmudug: Ahlu Sunna oo la wareegtay Guriceel

macalin maxamuud iyo sheekh shaakir

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada, sida ay goobjoogayaal u sheegeen BBC-da

Waxaa la sheegayaa inuusan wax dagaal ah dhicin.

Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Ahlu Sunna ay gudaha u galeen Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin la wareegitaanka degmada Guriceel ee Ahlu-suna.

Ciidammada Galmudug ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada, waxaana ka taagan magaalada xiisad inkastoo aysan dhicin wax rabshado ah. Waxaa la xiray inta badan goobaha ganacsiga ee Magaalada, iyadoo jidadka ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo taageera u muujinaya Ahlu Sunna..

Dhinaca kale waxaa maanta deggan deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusmareeb oo shalay uu iska horimaad ku dhexmaray ciidammada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda. Tiro aaan la cayimin oo dagaalamayaal labada dhinac ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalkaasi.

Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed, kuxigeenkii hore ee hey’adda nabad sugidda ee Soomaaliya, haatana ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga ee gobolka, ayaa sheegay in soo rogaal celinta Alhlu sunna ay tahay fashil ku yimid maamulka GalMudug.

Wuxuu Cabulsalaan intaa raaciyey in awoodda lagala hortagayo Ahlu Sunnah, ay ku habboon tahay in lagala hortago ururka Alshabaab, kuwaasoo sida uu sheegay khatar weyn ku haya amniga iyo nolosha dadka GalMudug.

“Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto.” Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaallada qabiillada ee deegaanka ku soo batay, Shabaabka oo caqabad ku nqodoay gobolka. Waxaana fursadaasi abuuray maamulka Galmudug. waxay rabaan siyaasad ahaan in dib uqabsadaan mamaulkii horay loga saaray oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta,” ayuu yiri Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed.

Maxaa wiiqay markii hore awooddii Ahlu Sunna?

Ahlu Sunnah ayey ciidamada federaalka Soomaaliya kala wareegeen magaalada Dhuusa Mareeb oo xarun u aheyd 29-kii February, 2020-kii, halkaasoo uu ku dhex marey dagaal muddo socdey.

Ururka Ahlu Sunna ayaa in muddo ah ka talinayay qeybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe, laga soo billaabo sanadkii 2010, oo ay dagaal kula jireen Al-Shabaab, iyaga oo in badan kaashanayay ciidamada Itoobiya. Ma ahan markii ugu horreeyay ee ay so rogaal celiyaan.

Ahlu Sunna ayaa markii dambe xoog ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay Ahlu Sunna waxay ahaayeen cudud muuqata oo gorgortan weyn ku leh arrimaha gobolladaasi.

Waxay si weyn loollan ula galeen dowladdii Xasan Sheekh, mar la doonayay in la dhiso maamulka Galmudug oo xaruntiisa ku meelgaarka ah in muddo ah ku shaqeynayay.

Hase yeeshee, Dhuusamareeb ayay Ahlu Sunna uga dhawaaqday maamul ay ugu magacdartay “Dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe”, waxaana jiray in sanaddadii dambe ay isu gacan qaadaan maamulkii markaa ka dhisnaa Cadaado iyo Ahlu Sunna. Balse awooddaasi ayaa markii danbe u muuqatey mid wiiqantey.

Ahlu sunna iyo Galmudug oo midoobay

Isbedelkii ka dhacay Itoobiya

Siyaasad ahaan iyo cudud ahaan Ahlu Sunna waxay in badan ku tiirsanayd ciidamada dowladda deriska ah ee Itoobiya, oo gacan ka siiyay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Xukumadihii Itoobiya ee ka horreeyay midda hadda jirta ee uu hoggaaminayo Dr Abiy Ahmed, ayay Soomaali badan ku eedeynayeen iney faragelin xoogan ku haysay siyaasadda Soomaalida.

Balse isbadalka ka dhacay dalkaasi Itoobiya sanadkii 2018-dii, ee uu hormuudka ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmad ayaa saameyn weyn ku yeeshay taageeradii Ahlu Sunna ay ka heli jirtey dhanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here