Galmudug: Khilaafkii ka taagnaa 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna oo xal laga gaaray

kheyre sh shaakir

Kulan ka dhacay galabta Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo afjaray khilaaf ka taagnaa soo xulista qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Maamulka Galmudug sida uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa kulankan ka qeyb galay Raisul Wasaare Khayre, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala degaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka.

“Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug” ayuu yiri Mahad Salaad oo aan faahfaahin ka bixin qaabka loogu heshiiyey soo xulida xildhibaanada sadexda degmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here